Laba qof, ayaa Xalay siyaabooyin kala duwan loogu dilay Magaaada Muqdisho, iyadoona dilalkan ay u muuqdeen kuwo qorsheysan.
Dilka hore, ayaa xilligii afurka ka dhacay xaafadda Silliga Ameerikaanka ee Degmada Wadajir, waxaana loo gaystay Sarkaal lagu magacaabi jiray Korneyl C/laahi Cilmi Nuur.
Sarkaalkan oo ka tirsanaa Waaxda Caafimaadka ee Militariga Somaliya, ayaa waxaa toogasho ku dilay rag bistoolado ku hubeysnaa, xilli uu gudaha u sii gelayay hoygiisa.
Raggan, ayaa waxaa dilka ka dib u suurtagashay in ay ka baxsadan halkaasi. Sidii caadada ahayd ciidamada amniga way ku guuldareysteen soo qabashada dhagar-qabayaasha.
Dilka labaad oo ka dhacay Degmada Xamar Jajab, ayaa waxaa lagu qaarajiyay Oday Dhaqameed lagu magacaabi jiray Maxamed Sheekh Abuukar.
Marxuumka oo da’diisa lagu sheegay 70 sano jir, ayaa wuxuu dilkiisu ka dhacay Buundada Ansalooti. Goobjooge ayaa sheegay in laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ay qaarka kore ka toogteen odaygaasi.
Maxamed Sheekh Abuukar oo nin nabadoon ahaa, ayaa waxaan la garanayn cidda dishay iyo sababta loo dilayba, balse waxaa loo fasirtay mid uun qayb ka ah dilalka ka dhanka ah indheergaradka Soomaaliyeed.