Waxay ku bilaabatay boqortooyada al-Sucuud hoggaaminta qabiil yar oo degganaa Najad qarnigii 18-aad waxaana bilaabay Maxammad bin Sucuud, isagoo markaas hoggaaminaayay magaalada Dirriyaha oo ku tiil aagga Riyaadda maanta. Is la waayahaas buu Maxammad bin Sucuud la galay heshiis is-bahaysiya Maxammad bin Cabdil Wahaab, kaas oo ahaa yagleelihii dariiqada diiniga ee al-Wahaabiya. Labadaas xoog oo is kaashanaayay baa bilaabay olole dagaal sannadihii 1786-dii ilaa 1816-kii, waxayna qabsadeen inta badan dhulka maanta loo yaqaan Sucuudi Carabiya oo ay ku jireen Maka iyo Madiina.
Waayahaas waxaa jirtay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo dhulalka muslimiinta u talin jirtay. Haddaba Suldaan Mustafa IV oo markaas talada hayay ayaa diray labadiisii wiil ee ka la ahaa Tusun Baashaa iyo Ibraahim Baashaa si ay uga hortagaan jabhaddii Sucuud iyo Wahaabiyada, waxayna ku guuleysteen inay burburiyaan awooddoodii sannadkii 1818-kii.
Wuxuu Sucuud taladii ku soo noqday sannadkii 1824-kii, laakiin markaan dambe taladiisu waxay ku koobnayd degaankiisii oo ahaa Gobolka Najad. Si kastaba ha ahaatee, intii ka harsanayd qarnigii 19-aad waxaa dhulkaan Sucuudiya Carabiya hadda la yiraahdo ku dagaallamaay xoogaggii ay hoggaaminaysay qolodii al-Rashiid ee ka soo jeedday magaaladii Haa’il ee gobolkii Najad. Sannadkii 1891-dii waxay qolodii al-Rashiid ka adkaatay xooggii Sucuud iyo is-bahaysigiisii, waxayna u qaxiyeen dalka hadda la yiraahdo Kuwayd.
Sannadihii 1914-kii ilaa 1918-kii waxaa soconaayay Dagaalkii Weynihii Labaad ee Adduunka, waxayna xoogaggii Ingiriiska iyo Faransiisku dagaal ba’an ku la jireen Khilaafaddii Islaamka ee Cusmaaniyiinta.
Haddaba, xoogaggaas oo adeegsanaayay sarkaal Ingiriisa oo la oran jiray Lawrence of Arabia, waxay bilaabeen dhagar ay isga horkeenayeen Dawladdii Islaamka iyo dadyowgii carbeed. Maadaama baraha muslimiintu wada xurmayso ay ahaayeen Maka iyo Maddiina, waxay dhagartii ka bilaabeen xarumahaas iyo Asharaaftii maamuli jirtay meelahaas oo uu markaas hoggaaminaayay Shariif Xuseen bin Cali oo Maka fadhigiisu ahaa.
Waxaa carab laga dhaadhiciyay inay ka xoraabaan Turkiga oo muddo dheer u talinaayay, samaystaanna hal boqor oo caraabiya oo dhan u taliya. Arrintaas carabi waa guuxday, waxaana la abaabulay ciidammo badan oo hubaysan oo la dagaallama Cusmaaniyiintii.
Dhaqdhaqaas waxaa loo yaqaan Kacdoonkii carabta (Arab Revolt). Kacdoonkaasi wuxuu qeyb weyn ku yeeshay jabintii awooddii Muslimiinta ee Cusmaaniyiinta, waxaana nasiib-darro carbeed noqotay dawladiihii reer Yurub ka ma dhabayn ballantii ahayd in carab xorowdo oo hal boqor yeelato, balse waxaa laga dhigay dawlado yaryar oo la wada gumeysto.
Sannadkii 1902-dii buu Cabdilcasiis bin Sucuud ka soo noqday Kuweyd, wuxuuna dagaallo hor leh la galay al-Rashiid, wuxuuna qabsaday Riyaad. Wuxuu sii waday ololahii ilaa uu ka aasaaso 1932-dii Boqortayada Sucuudi Caraabiya ee maanta. Cududdii uu dalka ku qabsaday waxay ahayd xoogaggii Wahaabiyiinta ee ay ka la hoggaaminaayeen Suldaan Bin Baajad al-Cutaybi iyo Faysal al-Duweysh.
Markii hore xoogaggii Sucuudigu way ka gaabsadeen Maka oo uu markaas boqor ka ahaa Shariif Xuseen bin Cali, laakiin Ingiriiskaa sannadkii 1923-kii taageeridii ka la noqday Boqorkii Maka, markii dambana waa lagu duulay Maka iyo boqorkeedii, duullaankaas oo aad u xoogganaa waxaa hoggaaminaayay Khaalid Bin Lu’ay iyo Suldaan Bin Bajaad, wuxuuna colkaasi guulaystay sannadkii 1925-kii. Sannadkii 1927-kii wuxuu Cabdilcasiis is ku magacaabay Boqorkii Xijaas iyo Najad, wuxuuna ka koray jagadii hore ee suldaannimada.
Markii xoogaggii is bahaysatay ku guuleysteen qabsashadii dhulalkii oo ay ku jirtay Makadii la dhowri jiray, waxay damceen xoogaggii Wahaabiyiintu inay sii wadaan ololahadii qabsiga dhulalka Carbeed gaar ahaan, Ciraaq iyo Kuweyd, waxaase ka horyimid Boqor Cabdilcasiis oo ka yaabay inuu arrinta Ingiriisku ka caroodo. Markaas kadib waxaa dhacday goobtii dagaal ee Sabiilla, halkaas oo si xun loogu jabiyay Wahaabiyiintii.
Sida aan ka garan karno, taariikhdaas kooban ee Boqortooyada Sucuudi Caraabiya waxaa lagu dhisay daadinta dhiiggii muslimiintii ku noolaa Jasiiradda Carabta iyo gaashaanbuursi ay mar walba la lahaayeen xoogaggii duullaanka ku ahaa ummadda islaamka.
Qorshe kasta oo ka soo fula taliskaas, ha ahaado mid siyaasi ama diiniye wuxuu ku salaysan yahay cabburinta ama baabi’inta xoogagga muslimka, waxayna u la jeedaan in qoyskaas awoodda ku haysta dhulkaas dhawrsan ay khatartiisu kaliya ka imaan karto dadka muslimka . Sidaas darteed, waxay mar walba uga kalsoon yihiin dawladaha iyo bulshooyinka muslimka kuwa aan muslimka ahayn.
Maalmahaan, waxaan aragnaa is-bahaysi ay hoggaaminayso Boqortooyada Sucuudiga oo kadhan ah dalka Qatar. Cunaqabaynta dalkaas yar iyo ceejinta tahan-dhaafka, waa dhaqan soojireena, waayo waxay ugu badisaa baabi’inta dadka muslimka.
Soomaaliya: waxay madaxda Soomaaliyeed khilaafka oogan ee uu Sucuudigu abuuray ka istaageen dhinac dhexdhexaada. Go’aankaasi waa midka ugu fiican ee qof damiir leh uu qaadan karo. Hase yeeshee, marka aad ummad hoggaaminayso go’aanka aad qaadanayso waa inuu ku salaysan yahay ka-fiirsasho qoto-dheer, waana in aad tixgelisaa danta guud ee ummadda aad hoggaaminayso. Waa inaad si fiican uga baaraan-degtaa dhibabka uu go’aankaagu u keeni karo dadka aad madaxda u tahay iyo faa’iidooyinka uu keeni karo.
Labada dal ee Sucuudi Carabiya iyo Imaaraadka oo xaqdarro isku bahaystay waxay maanta karaan inay waxyeello baaxad leh u geystaan dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed, horana waa ugu geysteen. Waxaan hubaa inaysan ka gabbanayn tirtiridda magaca Soomaaliyeed oo dhan, hadday dan ka arkaan. Haddaba, waxaa la gudboon madaxda Soomaaliyeed inay muslim-qalatadaas bahalnimadooda ka gaashaantaan, hadday si kale waayaanna iyaga raalli geliyaan, illeen waa tii hore loo yiri: “dantaada maqaar eyna, waa loogu seexdaa”.