AKHRISO:- Wasaaradda amniga oo soo saartay amaro ku socdo Xildhibaanada iyo Wasiirada

0

Wasaaradda amniga Somaliya ayaa soo saartay amaro ku socdo xubnaha Xildhibaanada labada Aqal ee dalka iyo Wasiirada ka tirsan Xukuumadda Somaliya.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka amniga Xukuumadda Somaliya Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa lagu sheegay masuuliyiinta dowladda in laga doonaayo muddo 14 cisho gudahood inay ku soo diiwaangeliyaan illaalada ay wataan.

Wasaaradda amniga ayaa sheegtay si loo dhaqan geliyo amarkii ahaa masuuliyiinta inaysan wadan karin illaalo ka badan Afar askari, askartaasina aysan qaadan karin qori ka wayn AK-47 in loo baahan yahay in la diiwaangeliyo askarta.

Xarunta Dambi baarista (CID) ee Booliska Somaliya ayaa lagu amray Wasiirada, Xildhibaanada iyo masuuliyiinta kale ee dowladda inay ka diiwaangeliyaan askartooda si loola socdo dhaq dhaqaaqa.

Warqada ka soo baxay Wasaaradda amniga ayaa la ogeysiiyay, Madaxweynaha Somaliya Ra’iisal Wasaaraha dalka, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoonka Aqalka Sare, Taliyaha Booliska iyo Taliyaha Nabad Suggida.