Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay arimo badan oo ay kamid tahay shirii dib uheshisiiinta ee ka furmay magaaladda Muqdisho.
“Shirkan Muhiimad ayuu leeyahay waana mid looga hadlayo hanaanka dib uheshiisiinta Soomaaliya, tanoo kale 10 sano kahor ayuu dhacay, waxaana qorshaha uu yahay in xal looga gaaro arimaha ay Soomaalidu isku haysato”ayuu yiri Wasiir Juxa.
Wasiirka ayaa sheegay in baahi xoogan loo qabo in dadka Soomaaliyeed ay iscafiyaan, taasna ay ka shaqeyneyso dowladda MD Farmaajo iyo RW Kheyre.
Mr Juxa ayaa tilmaamay in qorshaha uu yahay isku keenida umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan gaar ahaan kuwa gudaha dalka ku sugan “Waxaa uu socon doonaa shan maalin shirkaas”.
HALKAAN KA DAAWO WAREYSIGA
https://www.youtube.com/watch?v=N0KrYUXHfP4