Saraakisha amaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixiyay Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Xalay lagu qaaday Hoteelada Posh iyo Pizza House.
Saraakiishu waxa ay sheegeen in 18 qof ay ku dhinteen Weerarka, 7 ka mid ah waxa ay ahaayeen Gabdho Soomaaliyeed oo ku Caweynaayay Hoteelada la Weeraray halka 1 ka mid h uu ahaa Nin u dhashay Dalka Suuriya.
Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 22 qof, dhamaan dadka dhintay iyo dadka dhaawacmay waxa ay ahaayeen dad Shacab ah.
Saraakiishu waxa ay sheegeen in Ciidamada amaanka ay toogteen 5 Nin oo ka mid ah Ragii soo Weeraray isla markaana ay ka hortageen khasaaro badan inuu halkaasi ka dhasho.
Afhayeenka Wasaarada Amniga ee Dowladda Soomaaliya Axmed Sayid Carab ayaa ka warbixiyay qaabka howlgalka loo soo afjaray iyo khasaaraha guud ee ka dhashay.
Hoos ka Dhageyso Codka:-