DHAGEYSO:- Farmaajo oo War ka soo saaray Weerarkii Hoteelada Posh iyo Pizza House, Hal Arina ku baaqay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa si kulul uga hadlayay weerarkii xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen maqaaxida Pizza House oo ku taalla degmada Hodan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u tacsi u diray ehelada dadkii xalay ku geeryooday weerarkii Pizza House, wuxuuna dadkii ku dhaawacmay Alle uga baryay in caafimaad deg deg ah ay helaan.

“Weerar naxariis darro ah ayay Al-shabaab ka geysteen goobo ay dadka shacabka ah isugu yimaadaan, dadkaasi waxay ahaayeen dad shuhado ah oo bil Ramadaan la dilay, waliba xilli ay farxaddii afurka ku jireen.” Ayuu yiri Farmaajo.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Farmaajo in wax laga murugooda  ay tahay in bil barakeysan, waliba 10-kii dambe dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan in la laayo, laguna faano iyadoo shaar diimeed la huwanyahay.

“Goobtii ay xalay weerareen waa meel ay inta badan isugu yimaadaana dhallinyarada dugsiyada sare iyo jaamacadaha ee ay da’dooda u dhaxeyso 15 ilaa 25, aan is waydiinno maxaa loo laynayaa dhallinyaradaas? Ma ciidan baa? Ma Dowladbaa? Jawaabtu waa maya, Waxaa loo laynayaa maxaad u faraxsan tihiin, Maxay rajo dowladnimo idiin gashay, Maxaad fikirka xagjirka ah u qaadan la’dihiin”

“Waxaa jira ciidamo maalin iyo habeen dariiqyada taagan si ay amniga shacabka u sugaan, 20-kii maalmood ee Soonka waxaa laga hortagay falalkan noocan oo kale ah, Waxayna ku timid wada shaqeynta shacabka iyo hay’ada ammaanka, Wadashaqyentaas waa in lasii xoojiyaa, Dabar go’a Al-shabaab wuxuu ku xiran yahay isku soo dhawaanshaha hay’adaha amniga iyo shacabka.”

Weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Maqaaxida Pizza House oo ka soo horjeeda Maqaaxida kale ee lagu magacaabo Posh Treats ayaa waxaa ku geeryooday 18 Qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 19 kale, sida ay sheegeen laamaha ammaanka Dwoaladda Federaalka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-