Xoghayaha Degmada Warshiikh ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cali Yuusuf ayaa ka warbixiyey kulan u dhaxeeyey dhalinyarada Kaluumeesatada ah ee degmadaasi ku dhaqan iyo maamulka degmadaasi.
Kulankaan ayaa waxa looga arrinsaday sidii looga hortagi lahaa kaluumeesatada sharci darada ah oo ay maraakiibta shisheeye ka kaluumeestaan xeebaha ku ku dhirirsan degmadaasi.
Waxa uu inoo sheegay in maamulka degmadaasi ay dhalinyaradaasi garab ku siinayaan intii karaankooda ah sidii ay u heli lahaayeen meel ay ka kaluumeestaan oo ka caagan kaluumeesatada sharci darada ah oo aan heesan shati ay ku kaluumeestaan.
Hoos ka Dhageyso Codka:-