Waxaa maalmo kooban ay inaga xigaan maalinta farxadeed Ciidul Fidriga, maadaama ay gaba gabo mareyso Bisha Barakeysan ee Ramadaan, oo inta badan ummada Islaamka ay soo soomeen.
Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ku soo badanaya waxyaabaha ay caruurta ku cayaaraan maalinta Ciida, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Bastooladaha baaruuda ay ka dhacdo ee caruurta, iyo waxyaabo kale.
Ganacsatada magaalada Baydhabo ayaa suuqayada magaalada Baydhabo ku iibinaya agabka ay isticmaalaan caruurta, maalinkaasi Ciida.
Go’aan ka soo baxay laamaha ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa Ganacstada looga digay in ay caruurta ka iibiyaan bastooldaha ka dhaca baaruuda.
Taliyaha saldhiga Booliska magaalada Baydhabo Mukhtaar Axmed Ibraahim ayaa waxa uu ka warbixiyay amarkan ka soo baxay laamaha ammaanka maamulka Konnfur Galbeed.
Hoos ka Dhageyso Codka:-