Turkiga oo Safaarado Badan Ka Furanayo Dalalka Qaaradda Afrika

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda  Arrimaha Dibada Dowladda Turky-ga ayaa maanta oo Arbaco ah xaqiijiyay in Dowladda turkey-ga ay dhamaan wadamda Qaaradda Afrika ay ka furan doonto Safaaraheeda.

Ahmet Yildiz oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethopia ayaa sheegay in Turky-ga uu ka shaqeyn doono sidii loo balaarin lahaa xiriirka kala dhaxeeya wadamada qaaradda Afrika oo haatan aad u yar, madaama safaaradaha Turky-ga ay yihiin kuwa cayiman.

“Ma doonayno in aan hormarino xiriirka cayiman ee nagala dhaxeeya qaar kamid ah wadamada qaaraddda Afrika, dhamaan ayaan safaarado ka furan doonaa, Turky-ga  waxa uu sameyn doonaa xiriir joogto ah oo ku aadan sidii loo hormarin ahaa xiriirka wadamada qaaradda Afrika”, ayuu yiri Ahmet Yildiz.

Safaaradaha turkey-ga ee ka yaala qaaradda Africa ayaa aad u yaraa tobankii sano aynu soo dhaafnay, 2009-kii 12-safaaradood ayay dowladda turkyga ay ku laheyd Soomaiya, balse haatan 39-safaradood ay ku leeyihiin sida uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda  Arrimaha Dibada Dowladda Turky-ga Ahmet Yildiz.