Ra’isaul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa koormeer kedis ah ku tagay Hotelka City Palace oo uu ka socdo Shir weynaha Qaran ee Hanaanka dib u heshiisiinta.
Ra’isul Wasaaraha ayaa waxaa koormeerkiisa ku wehlinayo qaar ka mid ah Golaha wasiirada Xukuumada Somaaliya, sida Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, wasiirka Wasaarada qorsheynta iyo Wasiirka wasaarada Amniga gudaha.
Ra’isul Wasaaraha ayaa koormeeray qaabka ay u shaqeynayaan Howl Wadeenada Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Masuuliyiintooda.
Shir weynaha qaran ee hanaanka dib u heshiisiinta ayaa Maalintii 3-aad ka soconayo Magaalada Muqdisho, waxaana soo qaban qaabisay wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka.
Hoos ka Daawo Sawirada:-