Siyaasiga Cali Maxamed Geedi oo soo noqday Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya dowladii KMG aheyd ee Kenya lagu dhisay ayaa Hadalo lama filaan ah ka jeediyay shirweynaha dib uheshiisinta Qaranka oo Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay.
Cali Geedi ayaa sheegay in markiisii ugu horeeyay uu mikrafoon qaato isagoo ka hadlaya kulan ay soo qaban qaabisay dowlad taasna ay tahay mid cadeyn u ah dib uheshisiiinta qaran.
Ra’isul Wasaare hore Cali Geedi ayaa amaan balaaran ujeediyay madaxda dowladda oo uu ku sheegay iney yihiin kuwa ku yimid rabitaan shacab diyaarna u ah iney si sharaf ah booska ku baneeyaan.
Mar uu ka hadlayay dib heshisiiinta ayuu yiri “Dib uheshiisiinta Eray waaye, ficil ayaa la rabaa, side ku heshiinayaan dad Soomaali ah oo guryahoodii ay dad kale oo Soomaali ah ka haystaan, dad beerahoodii dad kale oo Soomaali ah ka haystaan,Ma Ilaahbaa Raali ka ah, Ma qarankaa aqbalaya sidaas mise dowladnimo ayaa sidaas ah”
“Ma culimaa isdisha, ma aqoonyahan ayaa dagaalama, mise haween ayaa islaaya, maya ee waxaa iska horkeena kuwa siyaasiyiin ah oo haatan qaarkood dhintay kuwa kalana allah utowbad keenay”ayuu yiri Cali Geedi.
HALKAAN KA DAAWO
https://www.youtube.com/watch?v=OgipS3vXkRY