Dowlada Qadar ayaa sheegtay inay iibsanayso wadanka Maraykanka diyaaradaha dagaalka ee F-15kuwaasoo ku kacaya lacag gaareysa $12 Bilyan oo dollarka Maraykanka ah.
Sarkaal u hadlay dowlada Qadar ayaa ku tilmaamay iibka diyaaradaha dagaalka inuu muujinayo xiriirka wanaagsan oo qoto dheer inuu kala dhexeeyo wadanka Maraykanka
Hase yeeshee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhowaan ku eedeeyay dowlada Qadar in ay taageerto argagaxisada.
Arbacadii ayaa xoghayaha gaashaandhiga Marayanka Jim Mattis waxa uu heshiis loogaga iibanayo wadanka Qadar la saxiixday Wasiirka Gaashaandhiga Qadar Khalid al-Attiyah.
“Tan waxa ay u tahay cadeyn in maamulka Maraykanka uu dhinaceena yahay balse taas marnaba shaki nagama gelin,”sarkaal u hadlay dowlada Qadar ayaa sidaas sheegay waxana uu sii raaciyay
“CIidamadeenu waa walaalo,taageerada Maraykanka uu siiyo wadanka Qadar waa mid qoto dheer mana saameynayaan siyaasadaha isbedbedelaya.”
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in diyaaradaha laga iibinayo wadanka Qadar ayaa waxa ay gaarayaan 36 diyaaradaha dagaalka ah,iyadoo bishii November ee sanadkii hore maamulkii Barack Obama uu la saxiixday heshiis suurtogal ay tahay in laga iibiyo wadanka Qadar diyaarado gaaraya 72 F-15QA kuwaasoo ku kacaya lacag gaareysa $21.1 billion..
Dalka Maraykanka ayaa waxaa uu sidoo kale dhowaan la saxiixday heshiis uu ugaga iibinayo diyaarado dagaal Boqortoyada Sacudi Carabiya. Balse heshiiska loogaga iibinayo wadanka Qadar diyaaradaha dagaalka ayaa ku soo beegmaya iyadoo dalka Qadar ay xayiraad ku soo rogeen qaar ka mid ah wadamada Khaliijka.