Koox Magafayaal ah ayaa haysta dad Tahriibayaal Soomaali ah oo ubadan dhalinyaro, waxaana uu ka doonayaa lacag madax furasho ah.
Arimaha yaabka leh ee tahriibka kusoo kordhay waxaa kamid ah in laga soo duubo muuqaalo dhalinyaro la garaacayo iyo kuwa lagu hayo meelo aad looga naxo oo lacago madax furasho ah la weydiisanayo.
War lama filaan ah oo kasoo baxay Hay’adda Q.M u qaabilsan arrimaha socdaalka ee IOM ayaa lagu sheegay in ay jiraan dadaalo lagu soo samata bixiyo ku dhowaad 200 muhaajiriin ah ay ka yimid Somalia iyo Ethiopia kuwaasoo magafayaal ay afduub ahaan ugu haystaan Libya, sidoo kalena ay madaxfurasho ka dalbanayaan.
Dhinaca kale, safaaradda Somalia ee Libya ayaa sheegtay in dadkaasi lagu hayso meellaha ay ka taliyaan mucaaradka Libya, isla markaana ay adag tahay inay dadkaasi wax u qabtaan mar haddii aanay tagi karin halkaasi oo aan loo oggoleyn.
Go’aanka QM ayaa farxad gelinaya boqolaal Tahriibayaal ah kuwaas oo mudo dheer xabsiyo lagu ciqaabo ugu jiray magafayaasha haysta.
Hoos ka Daawo Muuqaalka:-
https://www.youtube.com/watch?v=7sCDFCavZ0I