Maamulada Somaliland iyo Khaatuma ayaa maanta Heshiis ka kooban Shan qodob waxa ay kula saxiixdeen magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Somaliland.
Heshiiskaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha maamulka Khaatuma iyo sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda maamulka Somaliland.
Qodobada lagu heshiiyay oo kala ahaa sidaan ayaa Saxaafadda waxaa u aqriyay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire.
- Somaliland iyo Khaatumo ay ku dedaalaan sidii afgarad buuxa looga wada gaadhi lahaa
- In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada siman yihiin.
- In dastuurka somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.
- In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.
- In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si lo odhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay.
Hoos ka Dhageyso Codka:-