Inta badan xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay ku dhawaaqeen in ay ka laabteen Mooshinkii dhawaan ay ka gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Maxamed Barre.
Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen sababta ay uga laabteen Mooshinka in ay tahay danaha Umadda kunool degaanada maamulka Hirshabeelle.
Cabdulaahi Maxamed Caddow oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Mooshinka ka gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay dib ula laabteen mooshin ay saxiixeen 39 xildhibaan iyagoo eegaya midnimada baarlamaanka iyo duruufaha adag ee baarlamaanka Hirshabelle.
Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa xalay la kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle,isagoona la wadaagay dhibaatada heysata maamulka.
Hoos ka Dhageyso Codka:-