Wararka naga soo gaaraya Degaanka Baanyaaleey ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi laga helay Meydadka lix ruux.
Meydadkaan ayaa waxa la sheegay in ay ahaayeen dadkii maalmihii lasoo dhaafay ku dagaallamayay degaankaasi.
Ciidamada maamulka Ahlusunna ayaa waxa ay sheegeen in Meydadkaasi Saaka laga helay meelihi ay dagaalladu ka socdeen.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlusunna oo Saxaafadda la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo ay kala dhex dhigeen Maleeshiyaadkii maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay Degaanka Baanyaaleey ee gobolka Hiiraan.
Cali Baashi Aadan Faarax ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay kala durjiyeen Maleeshiyaadkii ishorfadhiyay.
Waxaa uu sheegay in maamulka Ahlusunna ay sameeyeen tilaabo deg deg ah, oo ku aadan dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay gobolka Hiiraan.