Wararka naga soo gaaraya Degaanka Baanyaaleey oo ka mid ah degaanada gobolka Hiiraan ee maalmihii lasoo dhaafay ay ka socdeen dagaal beeleedyadda ayaa saaka waxa ay sheegayaan in xaaladda degaankaasi ay degan tahay.
Maleeshiyaadkii dagaallamayay ayaa shalay waxaa kala qaaday Ciidamada maamulka Ahlusunna ee gobolada Dhexe.
Beelaha maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay degaankaasi ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay jooggaan goobo isku muuqda.
Sidoo kale Degaanka Baanyaaleey ayaa waxaa ku sugan cutubyo ka tirsan ciidamada Hiil walaal ee dowladda Jabuuti.
Waxgaradka Degaanka Baanyaaleey oo qaarkood aan Saakay la hadalnay waxa ay inoo sheegeen in ay xaaladdu degan tahay, inkastoo ay sheegeen suurtagal tahay in ay isku soo laabtaan Maleeshiyaadkii dagaallamay.