Tan iyo markii ay dalalka Gacanka Carabtu qaateen go’aanka go’doominta u eg ee ay ku deyriyeen dalka Qadar waxa soo baxayey in dad badani ay is weydiiyaan, sababaha sidaa u weyn ee keenay in tallaabo aan nooceeda looga baran ay dalalkani ka qaataan Qadar iyo su’aal kale oo la xiriirta in la ogaado cidda colaaddan diblumaasiyadeed ka dheefaysa.
Si cad looma go’aamin karo sababta kelideed keentay go’aankan waxaase aynu halkan ku eegaynaa mid ka mid ah sababaha.
Qadar waa dal dhul ahaan aad u yar, laakiin muhiimaddiisu weyn tahay, waxa uu hodan ku yahay ilaha tamarta oo ay ka mid tahay dalalka seeska u ah suuqa gaasta dabiiciga ah ee dunida, taas oo ay sannad kasta dhoofiso in ka badan 105 Bilyan oo Mitir-Kubuubig, una dhiganta boqolkiiba 30 gaasta dunida looga baahan yahay, weliba waxaa intaas dheer in kharashka Qadar kaga baxa gaastani uu aad u yar yahay, marka la barbardhigo dalalka kale ee gaasta soo saara, taas oo macnaheedu yahay in lacag aad u badan oo faa’iido ah ay ka hesho.
Dalalka ay Qadar gaasta ka iibiso waxaa ka mid ah, Shiinaha, Hindiya, Ingiriiska, Beljam, Talyaaniga, Kuuriyada Koonfureed oo iyadu gaasta ay isticmaasho boqolkiiba 37 ka iibsata Qadar iyo Jabbaanka oo boqolkiiba 17.5 ka iibsada.
Haddii ay guulasato in Qadar xayiraad buuxda la saaro, waxa ay keeni kartaa in si xad dhaaf ah uu u kaco qiimaha gaasta dabiiciga ahi, iyada oo weliba aanu jirin qorshe degdeg ah oo la isku hallayn karo in qiimahaasi hoos u soo dhaco dalka Qatar la’aantii.
Qoraa u dhashay dalka Ruushka oo lagu magacaabo Alexander Frolov ayaa maqaal uu ku qoray wargeys ka soo baxa dalkiisa oo lagu magacaabo Izvestia waxa uu ku gorfeeyey cidda ay la tahay in ay ka faa’iidaysanayso loollanka ka dhex qarxay dalalka Carbeed ee hodanka ah, waxa uu xusay dalalka Mareykanka iyo Austareliya oo iyagu leh gaas dabiici ah. labadaas dal oo si xooggan u soo geli doonaan suuqyada gaasta adduunka, faa’iidooyin badanna ka dheefi doona, gaar ahaan shirkadaha Austareliya oo faa’iidada u badani iyaga gaari doonto.
Arrinta labaad ee iyaduna qasab ka dhigaysa in dunidu ay danayso dalka Qadar; waa gaasta nooceeda loo yaqaanno Helium oo sannad kasta dunidu ka isticmaasho inta u dhexeysa 170 – 190 Milyan oo Mitir-Kiyuubik.
Alexander Frolov oo maqaalkan qaybo badan oo ka mid ah kiisa laga soo qaatay waxa uu sheegay in inkasta oo aanu gaasta xaddigaas ahi badnayn haddana aanay taasi hoos u dhigayn. Waa marka koowaad ee gaastani aad ayaa ay qaali u tahay, marka labaadna, waxa ay leedahay muhiimad Istaraatijiyadeed, waayo waxaa loo isticmaalaa arrimaha la xiriira hawada sare, tijaabooyinka Fiisigiska, Sawirrada caafimaadka loo isticmaalo ee MRI ga loo yaqaanno, iyo qalab kala duwan oo koronto ku shaqeeya. Dalalka aad looga isticmaalana waxaa ka mid ah Shiinaha, Jabbaan, Indooneesiya iyo Kuuriyada Koonfureed.
Dalalka ugu badan ee gaastan Helium-ta soo saaraa waa Qadar, Mareykanka, Aljeeriya iyo Ruushka, laakiin dalka Qadar ayaa isagu gaar ahaantiisa soo saaro 40 Milyan oo mitir-Kiyuubik, waana qiyaas ka badan boqolkiiba 20 gaasta adduunka laga isticmaalo oo dhan.
Haddii ay dhacdo in Qadar laga saaro suuqa gaasta Helium waxa ay saamayn taban ku yeelanaysaa wax-soo-saarka warshadaha Eeshiya iyo dalalka badweynta deggen, oo ah suuqa ugu badan ee Qadar ay gaasteeda geyso, waxa aanu hoos u dhacaasi fursad siin doontaa Mareykanka oo muddooyinkan dambe ciriiri badan ka dareemaya suuqyada wax-soo-saarka dunida.
Dhinaca kalana dalka Iiraan qudhiisa ayaa ka faa’idaysan kara dib-u-dhac ku yimaadda dalka Qadar, maadaama oo uu qudhiisu leeyahay deegaan dhinaca Qadar xiga oo laga soo saari karo gaasta Helium-ta.
Shidaalka marka aynu eegnana dalka Qadar waxa uu maalin kasta soo saaraa inta u dhexeysa 1.8 illaa 1.9 Milyan oo Foosto oo shidaal ah, xaddigaas, oo haddii uu in yar hoos u dhaco wax-soo-saarka Qadar ay qasab noqon doonto in shidaalku uu si weyn uga kaco ama qaali u noqdo suuqyada dunida.
Xaaladdu ma sii xumaan kartaa
Shaki kuma jiro in xiriirka diblumaasiyadeed oo la jaraa ay culays badan ku keenayso Qadar, waxa aanay ka faquuqaysaa inta badan ee dalalka Carabta iyo muslimka oo laga yaabo in Sacuudiga iyo Imaaraadku saamayn badan ku leeyihiin, laakiin waxaa hubaal ah in xiriirada ganacsi iyo dhaqaale ee ay dunida carabta ka baxsani uu wax badan ka caawinayo in aanay Qadar u curyaamin faquuqa, dhaawacuna aanu le’ekaan inta ay filayeen dalalka hadda xayiraadda saaray, iyada oo ay durba muuqato in sidii ay doonayeen aanu go’aankooda go’doomintu taageero uga heli doonin dalalka reer galbeedka oo haddii ay dhacdo curyaamin lahayd Qadar.
Tusaale ahaan Mareykanka oo loo aanaynayo in xaaladda uu xubin curiye ah ka ahaa ayaa durba u muuqda in uu dib uga gurtay go’aankii qallafsanaa, waxa aanay sababtu noqon kartaa cabsi uu u qabo saldhiggiisa Qadar oo uu ka ilaalinayo Ruushka oo baahi weyn u qaba in uu Khaliijka meel ka fadhiisto. In Mareykanku aanu Khaliijka ku wada raaci doonin go’aankoodana waxaa marag cad u ah hadalka uu Madaxweyne Trump labada jeer talefanka kula soo xiriiray Sheekha Qadar haysta, isaga oo ka codsanaya in uu arrintan dhex dhexaadin ka galo iyo go’aanka wasaaradda gaashaandhigga Mareykanku ku sheegtay in aanay waxba iska beddelin heshiis ay 72 diyaaradaha dagaalka ee F-15 kaga iibinayso dalka Qadar. Waxa kale oo aan Mareykanka maskaxdiisa ka maqnaan karin in go’doominta Qadar ay Iiraan siin doonto fursad hor leh oo ay liiska saaxiibbadeeda tirada yar ee gobalka ku biirsan karto Qadar.
Dalalka iyaguna laga filan karo in aanay Qadar ka durkin waxaa ka mid ah Shiinaha oo dadka qaar gaarsiinayaan suurtogalnimada in shiinaha xitaa milateri ahaan garab istaagto Qadar, iyo Turkiga oo isagu goor horeba qaaday tallaabooyin uu ku garab istaagayo Qadar.
Marka arrintan la soo ururiyana waxa ay u muuqataa in deyrinta Qadar aanay keeni doonin midhihii laga rabay ee ahaa in qiimaha gaasta Helium kor uga kaco suuqyada fursadda ugu weyna Mareykanku ka heli lahaa.
Qalinkii: Kamaal A Cali