Xili dhawaan magaalada Baydhabo lagu soo bandhigay daadajinta Maamulka Siyaasadda ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa durba la guda galay dhismayaasha golaha deegaanka ee degmooyinkaasi.
Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa dhawaan waxaa lasoo saaray liis ay ku qoranyihiin 27 Xubnood kuwaas oo kamid noqonaya golaha degaanka ee degmadasi.
Qaar kamid ah beelaha kunool degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa cabasho ka muujiyey habka loomaray soo xulista xubnaha liiska golaha deegaanka ee lasoo gudbiyey waxaana ay maamulka dawlada gaar ahanaa wasaarada arimaha gudaha ka codsadeen inuu dib ugu laabto dhismaha golaha deegaanka lana tixgaliyo cabashada beelaha.
Hoos ka dhagayso Codka