Dowlad-goboleedka Galmudug,Maamul ka kooban gobolka Galgaduud iyo Koonfurta Mudug.
Inkastoo aysan ugub u ahayn dadka Galmudug iyo Somalida kale khilaaf siyaasadeed oo ka dhex aloosmay golayaasha dowlad-goboleedka mudada labada sano ka yar yeeshay labo madaxweyne, hadana qadiyaddan ayaa ka duwan marka loo eego khilaafkii u dhaxeeya hogaanka federaalka iyo madaxweyne Xaaf.
Madaxweynaha dowlad-goboleedka laakin ay xildhibaanadu sheegeen inay eryeen ee Axmed Ducaale Geelle, “Xaaf” waxa uu qoraal uu soo saaray 20-kii, bishan September ku taageeray xulafada ay hormuudka u tahay dowladda boqortooyada Sacuudiga, taasoo dhabarjab ku noqotay go’aan ay dowladda dhexe ka qaadatay qaraarka dowladaha gacanka carabta intooda badan ay ku go’doomiyeen wadanka Qatar. Haddii go’aankaasi sax yahay ama uu waafaqsanyahay shuruucda wadanka qormadan kuma saabsana.
Maamul-goboleedka Galmudug oo ku dhismay dedaal dowladdii hore ee Somaliya ay ku bixisay si ka duwan maamul walba oo dalka ka dhismay si loo dhaqaajiyo nidaamka federaalka ee wali qabyada ah, waxa uu waayo-joog u soo ahaa carqalado wajiyo badan leh sida, Ahlusunnada gobollada dhexe oo gabi ahaanba diidan jiritaanka Galmudug, maamulka ay Ood-wadaagta yihiin ee Puntland iyo mowjado ay ku fureen siyaasiyiin qaadacsanaa maamulka madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamud oo ay jaal ahaayeen Hogaamiye hore Cabdi Kariim Guuleed.
Sharciyadda Xil-ka-qaadista Madaxweyne Xaaf.
Xildhibaannada golaha wakiillada Galmudug oo ka kooban 89 mudane ayaa kulamada caadiga ah waxa uu ku furmi karaan 46, taasoo cod-qaadistana ka dhigeysa saddex meelood laba, balse kuwa xasaasiga ah, sida Kalsooni-siinta golaha fulinta, xil-ka-qaadista madaxweynaha waa in ugu yaraan 46-xildhibaan oo ka mid ah 89-ka mudane ay codkooda dhinac siiyaan.
Fadhigii 26-kii bishan September, qabsoomay ee golaha, warbaahinta fursad uam helin inay ka soo faalloodaan xaqiiqda taasoo tuhun gelineysa xalaalnimada xil-ka-qaadista, kuna darsoo ma jirin nuqullo la soo bandhigay kadib go’aanka la gaaray, si ugu yaraan loogu shabaho go’aan sharci ku dhisan oo la boobin.
Tallaabadan mid u dhow waxaa 10-kii bishii January ee sanadkan lagu eryay Cabdi Kariim Guuleed oo 26-kii February ee isla sanadkan sheegay inuu iscasilay.
Maxaa Madaxweyne Xaaf lagu qoonsaday?!
Eedeymaha golaha wakiillada gaar ahaan xildhibaannada sheegtay inay xilka ka qaadeen madaxweyne Xaaf, ma ahayn kuwa laga gadi karo dadka u dhuundaloola dhacdooyinka siyaasadeed iyo kuwa amni ee dalka, sababtoo waxay ku soo beegeen todobaad uun kadib markii uu madaxweynuhu baal maray qaraarka xukuumadda federaalka ka qaadatay qadiyadaha isdiidan ee Khaliijka Carabta iyo ashtakooyinkooda oo aan qeexneyn.
Inkastoo Galmudug aysan noqon maamulkii ugu horeyay ee diida go’aanka dowladda dhexe hadana waxa ay la kulmeysaa qalalaaso siyaasadeed iyo qas maamul waxaana ay khubaradu u tiiriyeen inay tahay sababta tashwiishka loogu furay iyadoo maamulku aanu ka koobneyn hal Tol sida inta badan maamul-goboleedyada.
Mooshinka Ka dhanka ah Gudoomiyaha Baarlamaanka
Saacado kadib markii xilka laga xayuubiyay Xaaf, xildhibaanno shir-jaraa’id qabtay ayaa sheegtay inay mooshin ka geeyeen gudoomiyihii golaha wakiillada Cali Gacal Casir, oo ay madaxweynaha isdiidan yihiin go’aankii xil-ka-qaadistana ayiday.
Gudoomiye ku-xigeenka golaha wakiilada Xareed Cali Xareed, oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegtay inuu aqbalay mooshin laga keenay gudoomiyihiisa, marka aad halkaas si fiican uga fikirtid waxaa kuu soo baxeysa in nidaamka xilka-qaadista ay iska shabahaan dowlad-goboleedyada cusub. Kuna darsoo fadhiyada la sheego in xilalka la isaga qaado waxaa lagu beegaa marka gabalku dumo.
Kaalinta Dowladda dhexe
Dowladda federaalka ah oo ay waajib ku tahay inay ku baxdo xaaladaha noocan ah ayaa soo dhaweysay go’aanka golaha wakiillada Galmudug qaarkood waxaana taasi ay dhab ka dhigtay eedeyntii uu madaxweyne Xaaf ku sifeeyay inay wado abaabul ay ku dumineyso Galmudug.
Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee ka soo jeeda Galmudug ayaa ku baxay qadiyaddan si uun xal loogu helo laakin dadaalkaas lama oga mirihiisa waayo waxaa warbaahinta sii maraya hadallada xanafta leh ee u dhaxeeya dhinacyada loolamaya.
Madaxweyne sharciyaddiisa doodad la geliyay ee Xaaf ayaa ku gacan seyray xil-ka-qaadista waxa uuna ku celiyay in dowladda federaalka ay soo abaabushay isagoona ku adkeystay xataa inaan Impeachment laga gudbin Karin muddo lix bilood ah wallow arrintaasi aysan sal ku lahayn xeerarka Galmudug sida aan ku helnay baaritaan madax banaan.
Waxaa ku habooneyd dowladda dhexe inay aragti dheeraad ah geliso qadiyaddan oo kale oo aysan ku fududaan ka hadalkeeda si aysan u lumin kalsoonida ay ku qabaan bulshada Galmudug laakin haatan waxaa muuqata inay dhinac la safatay.
Maxaa la gudboon Galmudug?
Deegaamada Galmudug waxaa soo daashaday walina ka dhaca dagaallo sokeeye, dirir diimeed iyo mid siyaasadeed oo ka dhashay ismaandhaafyo salka ku haya loollan awoodeed.
Dadka ku dulman dagaallada ee nugulka ah wali ma heystaan hubaal nololeed oo ay ku dejiyaan hal-beegga Aayahooda, waxaana dheygag ku riday dhaxalxumada facii ka horeeyay iyo jiilasha soo socda waxay wajahayaan walow qadaridi halkeeda tahay.
Haddii lagu sii jiro is-jiidjiidka waxay fursad siineysaa kuwa ku faraxsan dhibaatada Somaliya siiba tan Galmudug garaad yariba ha u geysee, hadaba Culamada, Duubabka dhaqanka, Indheer-garadka, siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee ka soo jeeda Galmudug waxaa la gudboon inay wadahadal iyo miis dushiis ku soo afmeeraan xiasadda siyaasadeed si looga baaqsado dagaal kale oo Umulo-doox ah!
W/Q. Abubakar Maxamed Cali.
Ila soo wadaag, Dhaliil ama Toosin.
Ku soo hagaaji, abakarmah@gamil.com.