Madaafiic xalay lagu garaacay magaalada Baydhabo

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi lagu garaacay madaafiic aad u culus.

Madaafiic ayaa ku dhacay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka ma jiraan Khasaare ka dhashay Madaafiicdaasi, waxaana badankood ay ku dhaceen goob aysan dad ku sugneyn.

Laamaha Amniga Koonfur Galbeed ayaa si weyn u ilaaliya Garoonka Magaalada Baydhabo ay kasoo degaan Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed kana dhoofaan.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa la aamisan yahay in ay ka dambeeyeen Weerarkaasi.