DHAGEYSO: Puntland oo ka hor timid shirka Maamul Goboleedyada ee ka furmaya Kismaayo

0

Cabdixakiin C/llaahi Cumar Cameey madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa hoosta ka xariiqay in wax dan ah aysan ugu jirin Bulshadda Soomaaliyeed shirka lagu waddo in uu ka furmo Kismaayo.

Mr Cameey ayaa sheegay Madaxda Qaranka in laga doonaayo in ay xaliyaan Khilaafka u dhaxeeya dhexdooda ,islamarkaana ay isugu tagaan Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in hadda aysan jirin baahi loo aado Magaalada Kismaayo.

 

Madaxweynaha Maamulka Jubba Land Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa dhawaan shaaciyay in shir la isugu keenayo madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda uu ku qabanayo magaalada Kismaayo,iyadoo madaxda Maamul Goboleedyada lagu casuumay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda walaac ka muujisay shirka lagu qabanayo magaalada Kismaayo,maadama la ogeyn natiijada ka soo bixi karta.

Waxaa magaalada Kismaayo ka socda qaban qaabada shirka,iyadoo martida shirka ka qeyb galeysa loo diyaariyay guriga martida ee magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubba Land.