DHAGEYSO:- QM oo ka digtay tacadiyada ka dhanka ah Caruurta.

0

Kadib Kulankii Khamiista ee shalay yeesheen Golaha ammaanka Qaramada midoobey ayaa waxaa ay ka digeen xadgudubyada loo geysto caruurta ku nool dalalka Afgaanistaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Ciraaq, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suuriya iyo Yemen.

Golaha Ammaanka Warbixintan ay soo saareen ayay ku sheegeen in ka badan 15,500 oo carruur ah in ay noqdeen dhibanayaal la kulma xadgudubyo ay ku jiraan heerarka naxdinta leh ee dilka iyo dhaawaca.

Sidoo kale Golaha ayaa sheegay caruurta in laga qeyb geliyo iska hor imaadyada hubeysan, oo lagu soo bandhigo heerka aan la aqbali karin ee u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxaha hubaysan ee aan dawliga ahayn.

“ma aqbali karno in xadgudub loo geysto Caruurta,Dalalka lagu dhibaateeyo Caruurta Waxaan ka Dalbanaynaa inaan ka fikiraan sidii loo badbaadin lahaa Caruurta,lagana Ilaaliyo Jir-dilka iyo dhaawac halista ah ee la gaarsiinayo” Sidaasi Waxaa Sheegay Antonio Guterres.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku celiyay baaqiisa ku saabsan dhinacyada isku haya dagaalka si ay ugu hoggaansamaan mas’uuliyadda ilaalinta carruurta dalal ay ku jirto Soomaaliya, iyada oo waafaqsan waajibaadka saaran sharciga caalamiga ah ee bini’aadanimada iyo xuquuqda aadanaha.

Dhinaca kale Golaha Ammaanka ayaa sheegay xadgudubyada loo geysto caruurta in ay ka mid yihiin dilka, dhaawaca, dharbaaxada, kufsiga, afduubidda carruurta xaaladaha dagaallada iyo kuwo kale.

Isku soo wada duuboo Dalal ay ku Jirto Soomaliya ayaa inta badan Waxaa looga digaa in Caruurta lagu Xadgudbin,islamarkaana la ilaaliyo Xuquuqdooda,inkastoo ay isa Soo Tarayaan Dhibaatooyinka Noocaas oo kale ee lagula kacayo Caruurta.

HOOS KA DHAGEYSO