Burburka iyo dowlad la’aanta nagu raagtay waxaan ka dhaxalnay:
1-Inaan u nuglaanay shisheeyaha iyo u adeegooda oo qabkii naga lumay.
2-Inaan ku qanci weyno dowladnimo aan leenahay oo wali baadigoob ugu jirno sandareerto iyo dabadhilifnimo.
3-In maslaxada shakhsiga ahi nagu weynaato oo aan qaranimada ka horeysiino. Qofka dedaalaa waa kan reernimo soo gaara! Waana qab la’aan.
4-In loo kala ordo kan ugu liita shisheeyaha, kan Soomaali ugu micno badan la isku dayo in la bahdilo iyadoo la qanciyo danley shisheeya ah.
In waxyaabahaan nagu dhacaan oo qabku naga dhinto waxaa sabab u ah dagaalada sokeeye oo ina dhaxalsiiyey:
1- Inay hooseynteena barteen shisheeyihii naga gaban jiray ka dib markii:
Aan u kala orodnay anagoo weydiisaneyna waxii aan walaalaheen ku dili laheyn.
Waa meesha ugu hooseysa nolosha inaad dilka walaalkaa u kaashatid shisheeye. Isna waa kugu bartay walaalkaana adaa u dilay.
Cuquubadii dagaalada sokeeye na dhaxalsiiyeen oo u badnaa baahida iyo cudurada oo in badan oo dadku hoggaan ama aqoonyahan u yaqaaneen ay aqbaleen inay boobaan danyartii iyo intii jilicsaneyd. Waxaa lagu bartay shakhsiyadda liidata iyo damac xumida dadka ka shaqeeyey howlihii socday. Waxaa lagu dayey in wixii loogu talagalay dadkii liitay la dhaho waxbaan kaa siinaynaa ee noo xalaalee oo ka been sheeg masaakiinta. Anaaniyadii (selfishness) waxay keentay in la barto oo aan marna looga haybaysan dalkooda iyo dadkooda toona.
Waa caadi qofka fara laga qabto xilli adag in laga adkaado mar kasta oo kale.
2-In shisheeyuhu xilliyada qaar noo caleema saaray dabadhilifyadii u shaqeynayey oo iyagoo gacanta haya na maamuleen ilaa ay na ogoleysiiyeen in qofkii dan siyaasadeed iyo han hogaamineed yeeshaa iyaga ka ag raadiyo. Waa meel hoose in hoggaan danleydii shisheeye lagu raalli geliyo talada dalka Soomaalinimada iyo umadnimadana lala diriro oo aan lala gabban ee lagu faano sida dhaceysay in dad siyaasiin sheegtaa lahaayeen waa in aan dal hebel raalli gelinaa si aan dano uga gaarno.
Waxaas oo dhan waxey u noqonayaan qabka dhintay oo u baahan in daawo loo helo.
Ceebta jirtaa hadda waxay ku khaas tahay dadka hogaanka haya oo wali garan la’a in dadkii Soomaaliyeed toosay oo ugu yaraan wax ka barteen wixii na soo maray.
Hanyare siyaasiyow tage waayihii shisheeyihu oo hadda dadbaa jira maskaxdoodu xor tahay.
W/Q: Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan
Guuleysta dadkeygow