Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ugu baaqay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Mahadaay iney qaadaan howlgal ciidan oo Al-Shabaab looga ciribtrayo deegaanada ku dhow degmadaasi.
Axmed Meyre Makaraan, Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Al-Shabaab laga saaro degaankaasi si loo caawiyo dadka dhibaateysan.
Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay weeraro kusoo qaadaan degaanadaasi.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sidoo kale kahadlay xaaladda Caafimaad ee Caruurtii dhawaan kasoo carartay degaanada Al-Shabaab gacanta ku hayaan.
Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ku soo aadaya xilli Al-Shabaab weeraro ay ku soo qaadaan degmada Mahadaay iyo deegaanada hoostaga.