Warar ka imaanaya deegaanka Kudhawaa ee Gobolka Jubbadada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu labo ruux kuwaasoo xiisad ka dhalatay dilkooda wali halkaasi ka taagan tahay.
Sida uu xaqiijiyay qof ka mid ah dadka degaanka dadka la dilay ayaa ku sugnaa meel keyn ah oo Al-Shabaab ay ku sugan yihiin , waxaana halkaasi ay ka shidi jireen dhuxusha.
Dadkaasi ayaa la sheegay in ay dileen Al-Shabaab oo kasoo horjeeda Keynta ay ku jiraan meelaha u dhow in dhuxusha laga Shido.
Qof ka mid ah dadka degaanka oo Magaciisa qariyay ayaa u sheegay Idaacadda VOA-da in dadkaasi ay dileen Al-Shabaab, islamarkaana labadda Ruux ee la dilay ay ahaayeen rag 50 sano jiro ah.
Ururka Al-Shabaab ayaa dadka dhuxusha ka ganacsada ee dhirta jara maalmihii u danbeeyay ay isku hanjabayeen.