Maamulka Galmudug oo maalmihii ugu danbeeyay uu hareeyay Khilaaf madaxda sare ah ayaa markii ugu horeysay ka hadlay shirka Dastuurka ee ka furmaya magaalada Muqdisho oo maamul goboleedyada qaar ay diideen.
Wasiirka Dastuurka ee Galmudug Maxamed Cabdi Colaad oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in shirkaan aysan ka qeybgali doonin, maadaama maamul goboleedyadii dhammaan ay diideen.
Wuxuu sheegay in xubnihii uga qeybgali lahaa shirkaan ay ku sugan yihiin Muqdisho, balse aanay xaadiri doono howlgalka lagu shirayo.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in muhiim ay tahay iney ka qeybgalaan dhammaan maamul goboleedyada, iyaguna ay go’aan ku gaareen haddii aanay imaan maamul goboleedyada iyaguna aanay ka qeybgeli doonin.
Wasiirka Dastuurka ee maamulka Galmudug ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya iney la hadasho maamul goboleedyada si loo helo shir loo dhan yahay.