Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu ka qancinayo maamul goboleedyada tabashada ay qabaan.
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla ayaa sheegay in madaxweynaha lagaga baahan yahay in dowlad goboleedyada uu kala hadlo arrimaha siyaasadda si looga gudbo cabashada ay qabaan.
Wuxuu sheegay in tani ay dawo u noqoneyso in maamullada ay u hanqal taagaan meelo kale, islamarkaana ay siyaasadda gudaha iyo tan dibadda ee dalka ay xasilooni ku wajihi karayso.
Qaar kamid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe khilaaf uu ka dhex aloolsnaa kaas oo ku qotama siyaasadda arrimaha dibadda cidda looga dambeeyo, waloow dowlad goboleedyadu qaar ku doodayaan in aan laga qeyb galin go’aanno siyaasadeed oo dowladdu iskeed u gaartay.
Mudanahaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliye ayaa sheegay iney muhiim tahay in la adkeeyo midnimada Soomaaliyeed,islamarkaana isku duubnaadaan Ummadda Soomaalyeed.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka.