Magaalada Kismaayo waxa isugu tagey madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, oo hadda u dhaqmaya sida hoggaamiye kooxeedyo cusub, ayaga oo u adeegaya dalal caddeystay inay dumiyaan qarannimada Soomaaliya.
Shirka Kismaayo, waxaa abaabulay islamarkaana qarashka ku baxaya iyo ajendeyaasha looga hadlayaba ay ka imanayaan dowladda Imaaraadka Carabta.
Imaaraadka Carabta oo sanadihii dhowaa faraha kula jirtay siyaasadda Soomaaliya, ayaa wacad ku maray inay burburiyaan dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay isku khilaafeen xisaadda ka dhex oogan dalalka carabta, oo dowladda ay dhex dhexaad ka noqotay, halka Imaaraadka ay doonayeen in iyaga la taageero.
Kadib go’aankii dowladda Soomaaliya, tallaabadii ugu horreysa ee Imaaraadka waxay ahayd inay madaxda maamul goboleedyada ku qasabto inay ku dhawaaqaan inaay taageerayaan iyada, oo aysan raacsaneyn dowladda federaalka.
Hase yeeshee, maadaama maamul goboleedyada aysan lahayn wax awood ah oo ay ku qaataan go’aanno heer caalami ah, waxa ay taageeradooda noqotay mid aan saameyn lahayn.
Imaaraadka oo ka carreysan guul-darradaas, ayaa billaabay wajiga labaad ee dagaalka dowladda federaalka ah ee ah in lagu kiciyo maamul goboleedyada Soomaaliya, si dowladda looga dhigo mid ku kooban Muqdisho, loona tuso beesha caalamka inay tahay dowlad aan taageero haysan.
Ma ahan kaliya maamul goboleedyada, ee Imaaraadka waxay sidoo kale dalkooda isugu geeyeen madax hore oo ay ka mid yihiin Cumar Cabdirashiid, oo wakil uga ah Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh iyo kuwa kale.
Qeyb dadkan ka mid ah ayaa ah kooxdii markii hore badda Soomaaliya iibiyey. Waxaa xusid mudan in shirkadda shidaalka ka baareysa badda Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay ay 40% leeyihiin Imaaraadka, ayna qeyb ka ahaayeen saxiixii Kenya loo saxiixay badda.
Ka sokow iibinta badda Soomaaliya, Imaaraadka sidoo kale waxa ay mid mid ula wareegeen dekedaha Soomaaliya, ayaga oo qandaraas sanado badan ah ku qaatay, si looga hortago in dowladda Soomaaliya ay dekedaha ayada hormariso, taasi helis gelin karta dekedda Dubai iyo dhaqaalaha Imaaraadka kasoo gala.
Dhammaan dadka ku shiraya Kismaayo iyo kuwa la isugu geeyey Imaaraadka waxay ka mideysan yihiin hal arrin, oo ah in lacagtu tahay waxa kaliya oo ay yaqaanaan, oo aysan marnaba ka nixin qarannimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ee hadda jirta qaladaad way yeelan kartaa, hase yeeshee inay noqoto dowlad dalalka shisheeye ay u yeeriyaan waxa ay sameeneyso ma ahan mid aqbali karti, ama awood u leh inay aqbasho. Xitaa Sacuudiga ayaa garowsaday in Soomaaliya ay hadda joogto xaalad aysan abuuran karin dalal cadow ku noqdo, oo ku saxneyd inay dhex dhexaad noqoto, waana taas sababta ay dhaqaale u siiyeen inkasta oo aysan taageero ka helin.
Shirka Kismaayo, waxaa laga filan karaa kaliya qodobo ka dhan ah dowladda federaalka, hase yeeshee shacabka Soomaliya waa inay is-weydiiyaan hal mid: Diyaar ma u yihiin in dowladda ay hoggaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre la burburiyo, lagana soo billow eber, oo dowlad cusub la dhiso.
Haddii aysan diyaar u ahayn waa inay fahmaan in ayaga ay yihiin kuwa dowladda ay badbaado ka sugeyso, islamarkaana ay u kacaan inay iska celiyaan kuwa magac Soomaali la wadaaga, hase yeeshee maskaxda dalalka shisheeye, sida Imaaraadka ku shaqeeyaa.
Waxaa kale oo muhiim ah in shacabku fahmaan in shaqsiyaadka dowladda hoggaamiya ay joogaan waqti kooban, sidaa darteedna xitaa haddii ay qalad galaan ay dowladnimadu ka muhiimsan tahay, qasabna ay tahay in dowladooda curdunka ah taageeraan, inkasta oo hadda aysan muuqan qalad dowladdu ay ku yeelan karto go’aankeeda xiisadda khaliijka.
Bal dib u fiirso taariikhda dhammaan kuwa ku shiraya Kismaayo, imisa sano ay Soomaaliya dhibaato iyo horukac la’aan ku hayeen, weligaa ma aragtay ayaga oo qabta wax dan u ah Soomaaliya, ma hadda ay noqdeen wadaniyaal ka shaqeynaya danta qaranka? Haddii lacagta Imaaraadka ay isugu gaysay Kismaayo, ma kula tahay inaan ka filan karno wax aan ka ahayn cashar laga soo qoray Dubai iyo Abu Dhabi?
Soomaaliyey dowladdiina bad-baadsada.
W/Q: Cabdiraxmaan Axmed Jabriil
Nairobi, Kenya
Comments are closed.