Xiisad Siyaasadeed oo u dhaxeysa Madaxweynaha iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa soo ifbaxday sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Siyaasiyiinta kunool degaanada maamulka Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ayaa dhawaan dhaliil u jeediyay Shirka Magaalada Kismaayo lagu waddo in uu ka furmo, waxaana uu sheegay in Shirkaasi aysan dani ugu jirin Umadda Soomaaliyeed.
Golaha Wasiiradda maamulka Puntland ayaa kulan ay yeesheen ku sheegay in Shirkaasi uu muhiim u yahay , islamarkaana Puntland ay ka qeyb gali doonto.
Waxgaradka Puntland qaarkood ayaa sidoo kale xaqiijiyay in khilaafka uu ka dhashay go’aankii Puntland ee Khaliijka Carabta.
Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa shalay ku dhawaaqay in uu shaqadii u fasaxay taliyihii ciidamada Booliska Puntland Erag oo Bishii hore uu shaqo joojin ku sameeyay Madaxweyne ku xigeenka xilli Gaas uu ka maqnaa dalka.
Waxaa muuqata in tilaabooyinka labada hoggaamiye ay aad u kala duwan yihiin ,islamarkaana uu jiro Khilaaf aan qarsooneyn.