TOP DHAGEYSO:- Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Galmudug oo xabsi guri laga dhigay

0

Xildhibaanadii Xilka ka qaaday Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Maxamed Aadan Macalin laga dhigay Xabsi guri.

Waxa ay sheegeen in Ciidamo ka amar qaata Madaxweynaha Galmudug iney Xabsi guri ka dhigeen in Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug islamarkaana loo diiday wax dhaq dhaqaaq ah.

Xildhibaan Axmed Yuusuf Cige oo ka mid ah Xildhibaanada Xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in magaalada uusan ka bixi Karin Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug, oo Ciidamo ay ku hareereysan yihiin.

Dhanka kale Xildhibaan Axmed Yuusuf Cige ayaa sheegay in shirka ka furmay Magaalada Kismaayo uu yahay shir lagu burburinayo Maamulka Galmudug, isaga oo sidoo kale tilmaamay in aysan aqbali doonin go’aanada shirka ka soo baxa.

Waxa uu tilmaamay in ay muhiim tahay in la tixgeliyo sharciga dalka iyo Dastuurka Maamulka Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO