Thaabit Cabdi Maxamed gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Isbitaalka Madiina oo uu booqday ayaa ku baaqay in Shacabka Muqdisho ay dibadbax dhigaan.
Gudoomiye Thaabit ayaa sheegay in Galabta Shacabka muqdisho la doonayo in ay dhigan banaanbax ay uga soo horjeedaan kuna cambaareynayaan qaraxii dadka faraha badan ee Shacabka ah ku geeriyoodeen.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka in ay hal meel uga soo wada jeestaan waxa uu ugu yeeray Cadaw oo mar walba dhibaateey Shcabka.
Marka laga soo tago hadalka gudoomiyaha ayaanan jirin cid ilaa iyo hadda cid sirasmi ah u sheegatay masuuliyada qaraxaas.
Comments are closed.