Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in 3 maalmood oo baroordiiq qaran ah, waxaana hoos loo dhigay calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
“Weerarkaan waa musiibo qaran oo aan ku waynay muwaadiniin aan waxba galabsan, Sidaas darteed, waxa aan ku dhawaaqaaya sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah, calankana hoos loo dhigo” Ayuu yidhi Madaxwaynaha.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadka dhaawacyada qaba, isaga oo ku booriyay in cadowga loo midoobo.
“Qaraxyadaan waxaa lala bartilmaamsaday waddooyinka ugu mashquulka badan caasumadda, waxaa lagu beegay xilligii ugu saxmadda badnaa taas oo muujinaysa inta ay le egtahay cadaawadda ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed, hadaba aan kaga guulaysanno midnimadeenna iyo wada jirkeena” Ayuu yidhi Madaxwayne Farmaajo.
Isku soo wada duuboo go’aanka Madaxwayne Farmaajo ayaa wuxuu Kusoo beegmayaa iyadoo Weerar dhiig badan uu ku daatay uu ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
HOOS KA AKHRISO
Comments are closed.