Dowladda Soomaaliya ayaa wargelin u dirtay Isbitaallada ku yaalla Magaalada Muqdisho ee la tacaalaya dhaawacyada qaraxii ka dhacay Muqdisho.
Dowladdu waxaa ay Isbitaallada ka dalbatay in aysan lacag ka qaadin daweynta Bukaannada ku dhaawacmay Qaraxa,waxaana ay dowladdu sheegtay in lacagtaas ay dowladda damaanad qaadeyso.
Xarunta Gurmadka dhexe ee ay dowladdu sameysay ayaa boggeeda Facebook ku sheegtay in dowladda Soomaaliya bixineyso wixii kharash ah ee ay Isbitaallada ku yeeshaan Bukaannada.