FAALLO:- XASUUQII ZOOBE SU’AASHII GURMADKA KA DIB NOOGA DHIG!!

4

Waxan jeclaystay inaan qodob-qodob u dul istaago dhaliisha Xil. Mahad Salaad ee aan waqtigeeda la joogin qaarkeedna aan ka turjumaynin xaqiiqda jirta laguna marin habaabinayo gurmadka ay shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka aan saxiibka nahay la garab istaagayaan dhibanayaashii ay ku habsatay masiibadii ka dhacday Sabtidii hore Isgoyska Soobe.

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa “Qadiyad walba xiligeeda laga hadlaa” qofka waxaa fiican inuu misaan saaro marxaladaha lagu jiro ka hor inta uusan wax amaanin ama uusan dhaliilin, waxaa jirta xili laguu dhago raaricinayo, lagugu amaani, ama lagaa abaal marin hadii aad soo jeediso dhaliil, balse nasiib daro dhaliisha uu qalinka u qaatay Xildhibaan Mahad Salaad oo cinwaankeedu “XASUUQII ZOOPE SU’AALO BADAN AYAA KASOO LAABTAY!” dhamaan dadkii fal-celinta ka bixiyey 90% waxay naqdiyeen qoraalkiisa kuna tilmaameen midaan xiligaan munaasab ahayn.

Qodobada dhaliisha ah ee Mahad Salaad ayaan mid mid u dul istaagayaa:

1. Gurmadka Deg Dega ah: Waxaan ku sugnaa meel aan ka fogayn goobta qaraxu ka dhacay, gawaarida dam-damiska ah iyo Ambalasyadu waxay goobta soo gaareen wax ka yar 30 daqiiqo, waxayna bilaabeen in ay daad gureeyaan dadka dhaawaca ah dabkana damiyaan,

2. Ka hadlka dhacdada: Marka dowladu arinta ka hadlayso waxaa lagama maarmaan ah in ay hayso tirakoob sax ah, si looga fogaado is bar baryaacii horay u jiri jiray iyo kala hadlakii xiliyada qaraxyadu dhacaan, waxaa hadli jiray dowladihii hore. Afhayeenka Wasaarada Amniga, Wasiirka Amniga, Wasiirka Warfaafinta, Afhayeenka Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Booliska, waxayna sheegi jireen hadlo badan oo isburinaya, taas oo shacabka niyad jab u keeni jirtay, balse dowladu waxay go’aansatay in macluumadka la aruuriyo kadibna masuul loo xilsaaray uu ka hadlo. Arinta kale dhibka meesha ka dhacay baaxadisa ayaa sabab u ah in wax badan la ogaado.

3. Tacsida madaxweynaha: Tacsi boog ma daaweyso kaliya waxaa ay muujisaa sida looga xun yahay waxa dhacay, madaxda qaranku waxaa dadaalkooda isugu geeyeen sidii loo ilaalin lahaa amniga, loogu gurman lahaa dadka dhibaataysan, wadamada saxiibka aa nahayna loo weydiisan lahaa gar gaar bani’adanimo. Taas ayaa ka muhiimsan tacsi lagu hormaro.

4. Sheegida 30 oo dhimasho ah: Sida aan ku naqaano masiibooyinka noocaan ah waxaa markasta dhacda in khasaaruhu uu mar marka kale ka soo bato, kuna bilowdo tiro yar ilaa maalmo kadib la ogaado khasaaraha rasmiga ah ee ka dhacay meesha.
5. Gaariga wadadu soomaray: Inta Muqdisho joogta waa og yihiin wadooyinka ay isticmaalaan gawaarida waaweyn iyo kuwa aya ka xiran tahay. Laga soo bilaabo Isgoyska Taleex ilaa Soobe iyo Banaadir ilaa wadada Xamar ka baxda waxaa ay u furnayd gawaarida waaweyn oo habeen iyo maalinba marta. Mana jirin sabab loola yaabo ama loo celiyo gaari weyn oo maraya wadadaas, waa sax in la is weydiiyo sababta loo soo baari waayey ee loo soo daayey, taasna waa isla xisaabtan hada socoda waana sugayna natiijada ka soo baxda baaritaanka.

6. Gurmadka dadka: Taarikhda intii Xamar qarax ka dhacayey waa qaraxii aysan dowladu u kala harin madaxdeeda iyo maamulka gobolka Banaadir, heer waxaa madaxdu gaartay in galab iyo subaxba ay booqdaan isbitaalada, goobaha gurmadku ka socodo, qaabilitaanka wufuuda keenaysa gurmadka, daabulida dhaawacyada iyo iyadoo waliba hab maamus ahaan ay noo muuqatay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku soo dhaweynaya garoonka saraakiil caafimaad iyo wasiiro, isagoo u muujinaya ilaa xadka ay ku farax san yihiin gurmadka ay la soo gaareen, waxaa marna doorkiisa la inkiri karin Godoomiye Taibit oo habeen iyo maalin u taagnaa gurmadka iyo caawinta dadka dhibataaysan isagoo waliba shaqada gacmaha kula jiray oo qofna aan ku aaminaynin.

Xildhibaan Mahad waxaan xasuusinayaa inuu ka mid ahaa madaxdii ka qayb galaysay xafladii 1 Luuliyo 2016, ee ka socotay gobolka Banaadir, halkaas oo heeso iyo ciyaaro kala duwan ka socodeen, halka qarax ka dhacay 6 saac ka hor xaflada Hotel Naaso Hablood 1 ee ku yaala No. 4 ay ku naf waayeen 20 qof, intaa kabadan ku dhaawcmeen. Waxaa dad badan habeenkaas la murugaysnaayeen Wasiir Burci Xamsa oo ahaa Diwaankii Soomaaliya, qolkiisu ku dumaay aan Maydiikisa xataa laga soo saarin ilaa subixii danbe.

Xildhibaane habeenkii xaalku ma kula saxsanaa, mase ka hadashay in aysan munaasab ahayn xafladayn iyadoo dhiiga shacbku quban yahay laamiga no, 4 gala, Wasiir dowlada ka tirsana XFS wali meydkiisa aan laga soo bixin qolkiis oo ku dumay.

Mudane Xildhibaane ma xisaabin karno wax dhacay xiligaad masuuliyad weyn ka soo qabtay dowladii hore, galaangal badana aad u lahayd, walina amaan mooyee dhaliil kaamanaan maqal, fadlan isku day inaad qoraalada u badasho dhiiri galin dhanka gurmadka ah iyo wacyi galin bulsho, xiligii la is dhaliili lahaa lama joogo, fagaaryaal badan oo siyaasada lagu falanqeeyo ayaan naga horeeya ee fadlan qaybtaada ka qaado gubaabinta shacabka Soomaaliyeed si loo helo gurmad deg deg ah, mucaarad iyo mu’ayidna aan u wada jeesano samatabixinta walalheena dhibaataysa.

By-Diraac Salaad Fagaase

Comments are closed.