SAWIRRO:- Shacab Fara Badan oo Salaadii Jimcaha kadib Salaatul Janaaso ku tukaday goobtii qaraxa Zoobe ka dhacay.

0

Boqolaal qof oo ka mid ahaa dadkii Salaadii jimcaha ku dukaday masaajidada ayaa isugu tagay Isgoyska Zoobe oo aheyd halkii musiibada ka dhacday ee dadka faraha badan ku dhinteen, waxaana halkaas ay ku dukadeen salaad janaaso ah.

Dadkan oo ay hoggaaminayeen Culumaa’udiin ayaa barxadii uu qaraxa ku laayay boqolaalka qof istaagay, waxaa ay u duceeyeen dadkii ku dhintay musiibadaas

Dhinaca kale Sheekh Cabdi Xayi oo ka mid ahaa Culimadii hoggaminayay ayaa alle uga baryay dadkii ku dhintay masiibadaas in naxariistiisa janno ka waraabiyo, waxaana qof walba uu u akhrinayay duco gaar ah.

Isku soo wada duuboo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa dhowaan ku baaqday in Salaada jimcaha kaddib la isugu tago goobtii qaraxa, isla markaana loo duceeyay dadkii ku dhintay musiibadaas.