Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka Maamulka Puntland ay maanta howlgallo ballaaran ka sameeyeen duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolkaasi.
Howlgallada oo u muuqday kuwa qorsheysan ayaa ciidamadu waxa ay si gaar ah uga fuliyeen dhanka Buuraleyda Galgala, halkaas oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladaasi ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka, si looga hortago weerarad Al Shabaab ay ka geystaan deegaanada Maamulkaasi.
Waxaana ay ka gaabsadeen haddii ay jiraan in dad lagu soo qab qabtay howlgalladaasi iyo in kale.
Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ka fuliya deegaanada Puntland , gaar ahaan saldhigyada ciidamada Maamulkaasi.