Qarax xoogan ayaa lagu soo waramayaa in Caawa laga maqlay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in jugta Qaraxan laga maqlay Xaafadaha Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan Booliska oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in hal ruux uu ku dhintay, kadib markii uu Qarax ka dhacay Guri ku yaalla Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Ruuxa dhintay loo maleynayo in isku soo xiray waxyaabaha qarxa.
Weli lama oga halka uu ahaa bartilmaameedka Qaraxan Caawa ka dhacay Degmada Karaan ee Magaalada Muqdisho.
Kala soco www.allgalgaduud.net waxii ku soo kordha warkan hadii Alla Idmo