Dowladda Imaaraadka Carabta oo Sheegtay in ay kor dhineyso taageerada Soomaaliya

1

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ballan qaaday in ay xoojineyso taageerada ay u fidineyso Soomaaliya, Gaar Ahaan dhinacyada shaqo abuurka dhalinyada iyo hormarinta waxbarashada, kuwaas oo ay baahi weyn u qabto xilligaani Soomaaliya.

Ballan qadka dowladda Imaaraadka ayaa imaanaya, xilli dalkaasi ay ku suganyihiin madaxweynihii hore ee dowladdii KMG Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wsaarihii hore ee Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake.

Waxaana ay kala hadleen maxdax  dalkaasi sidii loo taageeri lahaa dadaallada hormarineed ee ka socda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay uga mahadceliyeen taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka Carabta  ayaa ka mid ah dowladaha sida u dhow u taageero dowladda Soomaaliya, waxayna toddobaadkan gudihiis Soomaaliya ay soo gaarsiyeen diyaarad siday deeq Daawo ah, taas oo loogu tala galay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

Comments are closed.