Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada in ay ka qeyb gali doonaan shirka casuumaada ah ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo), kaasi oo 28-ka bishan ka furmaya Muqdisho.
Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa in Madaxda Federaalka iyo Dowladd goboleedyada marka ay isugu yimaadaan ay ka tashadaan dalka sidii loo xoreyn lahaa iyo wax walbo oo Dowladd Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka kala tabanayaan.
Madaxweyne Gaas ayaa dhanka kale ku baaqay in la xoojiyo Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taasi oo meesha ka saareysa khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.
Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa sameystay Golaha iskaashiga Maamul Goboleedyada, waxaana Golahaasi oo Todobaadkan soo saaray war-murtiyeed kulul ay Dowladda u jeediyeen eedeyn kulul.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO