XOG:- Ammaanka Saldhiga CiidamadaTurkiga ee magaalada Muqdisho oo si aad ah loo adkeeyay.

0

Wararka ay helayaan Warbaahinta ayaa waxa ay sheegayaan in Ammaanka Saldhiga Turkiga ee Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, kadib Qaraxii isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii bishan, kaasi oo galaaftay nolosha dad gaaraya boqolaal qof.

Warkan Warbaahinta gudaha dalka ay heshay ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Ciidamo kale oo dheeraad ah lagu soo kordhiyay sugidda amniga saldhiga Turkiga ee Muqdisho, kadib Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda oo la hadlay Warbaahinta.

Saldhiga ayaa lagu arkay gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Turkiga, waxaana gudaha saldhiga ammaankeeda sugaya Ciidamo Turkish ah oo dhowaan Muqdisho la keenay.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka uu sheegay Qaraxii Zoobe in loola dan lahaa saldhiga Turkiga uu ka furay Muqdisho.

Saldhigan ayaa dhawaan lagu xareeyay illaa 1,500 Askari, halkaas oo lagu tababari doono, Saraakiil ka socota Turkiga ayaa ka qayb qaadan doona tababarka Ciidamada oo noqon doona markii u horaysay ee uu Turkiga gudaha Soomaaliya ku tababaro Ciidamo.

Dhismaha ayaa ka kooban dhawr qaybood, sida dhismayaal kala duwan oo ay seexanayaan Askarta la tababaro, Masaajid, guryaha saraakiisha iyo Ciidamada Turkiga.

Dhinaca kale Saldhigan, ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee Turkiga uu ka furo meel ka baxsan dalkiisa, sidoo kale waxaa uu noqonaya saldhigii ugu weynaa ee Soomaaliya laga furo, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo Dhismaha Saldhigan Militari ayaa waxxa uu ku yaalaa dhanka Xeebta, wadada aada Jazeera, waxaana magaalada Muqdisho ay u jirtaa illaa 4-KM.