Kooxo hubeysan oo weeraray guriga Musharax C/raxmaan Ciro ka degan yahay Hargeysa

0

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa iney weerar ku qaadeen guriga magaalada Hargeysa uu ka degan yahay murashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ee waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi Ciro .

Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno magaalada Hargeysa weerarka lagu qaaday guriga ayaa ka dhashay qasaaro ku kooban dhaawac.

Taliyaha guud ee ciidammada boliiska ee Somaliland Jeneral Cabdillahi Fadal iimaan oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in falkaasi loo soo qabtay afar dhallinyaro ah iyo baabuur, haatan na ay wadaan baaritaan ku aadan arrintaasi, wuxuuna ugu baaqay xisbiyada inay xakameeyaan taageerayaashooda gaar ahaan dhallinyarada, isagoona intaa raaciyay in booliska ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo ku kacda fal noocaasi oo kale ah.

Gudoomiyaha kumeel-gaarka ee xisbiga waddani Cabdilqaadir Ismaaciil jirde ayaa BBC-da u sheegay in koox dhallinyaro ah ay soo weerareen guriga Cabdiraxman Ciro.

Kooxaha weerarka qaaday ayaa lagu eedeeyay iney soo abaabuleen cida tartanka doorasho kala dhaxeyso musharaxa madaxweynaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Ciro.

Amaanka magaalada Hargeysa ayaa si aad ah loo adkeeyay,waxaana socda banaanbaxyo lagu taageerayo musharaxiinta xilka madaxtinimo u taagan.