Waxaa soo baxaya in Qaraxii ka dhacay hoteelka Nasahablood ee Caasimada Muqdisho lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya.
Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu soo koobay Fanax Xagaleey, kaasi oo ku sugnaa halka uu Qarax ka dhacay, sida ay sheegayaan Saraakiisha Amaanka.
Wararka ayaa sheegaya in khasaaraha dhimashada uu haatan marayo 13 Ruux.
Waxaa laga baqdin qabaa in halkaasi uu ka bato khasaaraha dhimasho maadaama halka uu weerarka ka dhacay ay aheyd goob mashquul badan.