Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay soo Afjaraan weerarkii shalay lagu qaaday Hoteelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa intii ay ku guda jireen howlgalka gudaha Hotel Naasa Hablood 2 kasoo badbaadiyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlada, kuwo hore iyo Siyaasiyiin dhowr ah kuwaa oo lagu dhex heystay gudaha Hoteelka.
Mas’uuliyiinta laga soo badbaadiyay Hoteelka ayaa waxaa kamid ahaa Salaad Cali Jeelle, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Somaliya, Saalim Caliyow Ibrow, Sheekh Cali Wajiis oo xubin ka ah Guddiga Taakulaynta ee Ciidamada Qaranka iyo nin lagu magacaabo Xasan Xundubeey.
Waxaa laga soo badbaadiyey mas’uuliyiin kale oo ka tirsanaa maamulk Koonfur Galbeed oo isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano iyo shaqsiyaad kale oo kamid ahaa wafdiga magaalada Muqdisho lasoo gaaray Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada oo Hoteelkaas degnaa.
Dadka lasoo badbaadiyay ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa shaqaale ka tirsanaa Hoteelka oo iyagu laga soo saaray gudaha Hoteelka, kuwaa oo kamid ahaa dadkii lagu dhex heystay gudaha.
Maleeshiyaadka hubeysnaa ee ka tirsan AlShabaab ayaa gudaha Hotelka ku jira ku dhowaad 10 saacadood, waxaana ay adeegsanayaan bambaanooyin iyo rasaas ka dhaca qoryaha fudud.
Dhinaca kale, dowlada Federaalka ayaa lagu wadaa inay soo bandhigto khasaaraha guud ee ka dhashay weerarka lagu qaaday Hoteel NaasaHablood.