Dowladda Turkiga oo si Kulul u Cambaareysay weerarkii shalay ee Magaalada Muqdisho

0

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan, Hotelka  Naasahablood 2 Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga oo la hadlay Wakaaladda Wararka Anadool ee Dalkaasi ayaa si xoogan u cambareeyay Qaraxyadaasi, islamarkaana sheegay in ay  aad ugu uga xun yihiin weerarada soo noq noqda ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa xusay in dowladdiisa ay mar waliba garab taagan tahay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, islamarkaana ay la qeybsanayaan dhibaatada dadka Soomaaliyeed.

Weerarkani ayaaa imaanaya, xilli isla Bishaan gudaheeda uu Soomaaliya ka dhacay Qaraxii ugu dhimashada badnaa Abid, kaas oo ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, kuna dhinteen ku dhawaad 400 Qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.