Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ayaa maanta Howlaglo ka wada degmada Buula-Barde ee gobalka Hiiraan kadib weerar ay Shabaab ku soo qaadeyn degmadaas fariisamo ay ku leeyihiin Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Jabuuti.
Gudoomiyaaha degmada Buula-Barde ee Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa Sheegay in ay wadaan Baaritaano ku aadan sidii loo joojin lahaa weerarada Al-Shabaab ee degamdaas, waxaana ay xoogga baaritaanada ka socdaan duleedyada Magaalada.
Al-Shabaab ayaa Saacadihii la soo dhaafay weerar ku qaaday Saldhigga AMISOM ee Buula-Barde iyo sidoo kale Saldhig ay daganaayeen Militariga Soomaaliya weerarkaas oo la sheegay in labada dhinac ay qasaaro ka soo gaaraeen.