TOP NEWS:-Akhriso Wareegto Maamulka Gobolka Banaadir uu ka soo saaray Gawaarida xamuulka

0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in Booyadaha aysan Magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo illaa iyo Sideeda Fiidnimo iyo in Gaadiid xamuulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka uu dhibaato ku yahay Shacabka iyo gaadiidka jidadka la wadaagaya.

Darawalada gaadiidka xamuulka qaada iyo Booyadaha ayaa lagu wargaliyay cidii jabisa xeerkan ama ku xad gudubta in ay la kulmi doonto ganaax lacageed oo gaaraya Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah (10,000,000).

Maamulka Gobolka ayaa sheegay in Talaabadan looga gol leeyahay xaqiijinta amniga iyo in laga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka ku nool Gobolka Banaadir, waxaana Digreetadan ku saxiixnaa Guddoomiye Taabid Cabdi Maxamed.