Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa la horgeynayaa maanta Hindise sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa Xildhibaanada ka hor aqrin doona Sharciga lagu diyaarinayo Maamulka Maaliyadda Soomaaliya.
Aqrinta kadib ayaa Xildhibaanada talooyinkooda ku dari doona islamarkaana waxaa gacanta loo gelinayaa Guddiga Maaliyada ee Golaha Shacabka si ay ugu soo shaqeeyaan oo ay sharci ugu soo dhigaan.
Muddooyinkii dambe ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa la horgeynayay hindise sharciyeedyo ay soo diyaariyeen qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumada Soomaaliya.
Hindise sharciyeedyada ilaa hada Xildhibaanada loo gudbiyay waxaa ka mid ah Hindise sharciyeedka Caafimaadka dalka, Hindise sharciyeedka dhismaha guddiga Madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa, Hindise sharciyeedka Batroolka Soomaaliya iyo kuwo kale.