Qeybo Ka Mid Ah Gobolka Hiiraan oo laga Diiday Lacagta Shilinka Soomaaliga Ah

0

Magaalada Beledweyn ee Xarunta gobalka Hiiraan ayaa laga diiday Isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga ah dhamaanteed waxaana laga isticmaalaa oo kaliya doolarka iyo adeegga Evc + waxayna arintaan ay saameysay qoysaska dan yarta ah.

Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ku howlan sidii ay xal ugu heli lahaayeen arintaan inkastoo ay muuqato mid aysan awoodin in ay xaliyaan.

Guddoomiye ku xigeynka Gobalka Hiiran ee Arimaha bulshada ayaa ka dalbday Ganacsatada in ay joojiyaan diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga ah cidii diidana talaabo laga qaadi doono.

Dadka danyarta ah ee Gobalka ku nool gaar ahaan Beledweyne ayaa kuu sheegayo in aysan heli karin lacagta Evc iyo doolarka waxayna baaq u direyn Madaxda qaranka.

Labo bilood ka hor ayaa sidaan oo kale Beledweyne looga diiday Lacagta Shilinka Soomaaliga waxaana muuqata in ilaa hadda aan xal laga gaarin.