Dhagayso: Madaxweyne Farmaajo”Gacana Horumarka ayaan ku samaysanaynaa Gacana Nabadiidka Ayaan kula Dagaalamaynaa

0

Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka soomaaliya ayaa sheegay in shacabka soomaaliyeed looga baahanyahay in gacana ay horumarka ku samaystaan gacanta midigna ay qoriga kuqaataan oo ay kula dagaalamaan kooxda Al-shabaab oo uu sheegay Madaxweynaha in ay ka soo horjeedaan horumarka dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in marnaba  kooxaha   nabad diidka ah aysan dib udhigi karin horumarka ka socda dalka iyo soo kabashada  shacabka soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay xafladii shalay uu ku dhagax dhigay Dekeda Magaalada Hobyo.